|
Muqdisho,(insidesomalia.org)- Afhayeenka Madxweeynaha Dowladda Soomaaliya Xuseen Max’ed Max’uud Xuub Sired ayaa sheegay in Maxweeynaha uu Weeraro kala duwan la kulmay xili uu doonayay in uu ka duulo Garoonka Diyaaradaha ee Aadan Cadde.
Afhayeenka Madaxweeynaha oo Idaacadaha lokolka u Waramayay ayaa sheegay in Dagaal xoogan maanta lagu qaaday Madaxweeynaha Dowlada KMG Soomaaliya xili uu marayay Wadada Makka Al Mukarama, isla markaana lagu soo weeraray sida uu sheegay tiro Baasuukayaal ah sidoo kalena weeraro loo adeegsaday Hoobiyeyaal lagu qaaday Garoonka Diyaaradaha xili uu Madaxweynuhu ka duulayay halkaasi.
Xuubsireed ayaa sheegay in weerarkasi uusan wax dhibaato ah ka soo gaarin Madaxweeynaha iyo Wafdigii uu hor kacayay, basle sida uu sheegay uu dhawac ka soo gaaray Askari ka tirsan Ciidamada AMISOM ee ku sugan Garoonka Diyaaradaha.
Afhayeenka Maxadweeynaha ayaa sheegay in Madaxweynaha uu Safar ugu socday Magaalada Jabuti ee Dalka Jabuuti si uu uga qeeyb qaato kulanka kasoconaya dalka jabuuti.
Sidoo kale Xuubsireed ayaa waxaa uu sheegay in Madaxweeynaha si nabadgalyo ah uu uga duulay Garoonka isagoo aan wax dhibaato ah qabin ama aysan soo gaarin wafuudii la socotay iminkana uu ku soo wajahan yahay Dalka Jabuuti waa sida uu shegayee.
Ciidamada Dowladda ayaa waxaa ay howlgalo ay ka sameeyeen halka uu dagaalku ka socoday kuna qab qabteen tiro dad ah oo gaaraya 15 dhalinyaro ah, kuwasi oo ay ula dhaqaaqeen dhanka Madaxtooyada lamana ogeeyn wax lagu heeysto iyo wax loo qabqabtay dadkasi shacabka ah.
Ilaa iyo hada lama oga qasaaraha soo gaaray labada dhinac ee dagaalka uu u dhexeeayay iyo dadka shacabka ah ee ku nool degmooyinka Waaberi iyo Hodan oo kaabiga ku haya Wadada Makka Al Mukarama oo uu dagaalku ka socday.
|